Diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyadda ah ee Kenya ayaa duqaymo wuxuushnimo ah oo ay ku beegsadeen dad shacab ah ka gaystay degmooyinka Ceel-cadde iyo Saakow oo ka kala tirsan wilaayaadka islaamiga ah ee Gedo iyo Jubbooyinka.
Degmada Ceel-cadde ee wilaayada islaamiga ah ee Gedo waxay diyaaradaha Kenya illaa 2 gantaal ku dhufteen masjid kuyaal degmada iyo guri ay dad shacab ah daganaayeen, waxaana halkaasi ku shahiiday hal qof oo haweenay ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 6 qof oo shacab ah oo ay caruuri ku jiraan, duqaynta Ceel-cadde waxaa sidoo kale ku burburay masjidkii ay diyaaradaha saliibiyiintu beegsadeen.
Dhanka degmada Saakow, diyaaradaha kuffaarta Kenya ayaa illaa 4 gantaal ku beegsaday guryo iyo xarun ganacsi oo ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana halkaasi ku basbeelay 3 guri iyo bakhaar ganacsi, waxaana Allaah mahaddiis ah inaanay jirin wax khasaare nafeed oo bulshada kasoo gaaray duqaynta Saakow, khasaaraha ugu badan ayaana gaaray bakhaarka oo kuyaal bartamaha magaalada.
Sawirradan aan idin soo gubinayno waa duqaymihii ay saliibiyiinta Kenya xalay ka gaysteen degmada Ceel-cadde iyo khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray.
Halkan Ka Dhagayso Codadka Shacabkii Lagu Duqeeyay Saakow.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Duqaynta Ceel-cadde.