Boqollaal ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan deegaanka Kuunya-barrow ee wilaayada Sh/hoose ayaa dhigay isku soo bax ballaaran oo ay uga dhiidhinayaan heshiiskii burcadnimada ahaa ee Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.
Banaanbaxa oo ahaa mid dadweyne ayay dadka muslimiinta ah ku muujiyeen dareenkooda carada ah ee ku aaddan in qaybo ka mid ah badda Somalia la siiyay nasaarada Itoobiya, waxayna wateen halku dhigyo kala duwan oo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan heshiiskaasi baadhilka ah.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.