Ciidamada Riddada Mali iyo maleeshiyaadka murtazaqada Ruushka ee Faagnar, ayaa isaga cararay saldhig millatari oo ay ku lahaayeen gobolka Mobti ee dhaca waddanka Maali.
Mu’assasada Al-zallaqah oo ah garabka warbaahineed ee mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ee halganka kaga jira dalkaasi ayaa baahisay sawirrada ciidamada mujaahidiinta oo la wareegaya xerada Duma oo ah tan ay isaga carareen murtadiinta Maali iyo murtazaqada Fagnar.
Murtazaqada saliibiyiinta Ruushka u adeega ee lagu magacaabo Faagnar iyo murtadiinta Mali ayaa saldhiggan wayn isaga cararay markii ay soo wajahday cabsi xooggan oo ku aaddan inay la kulmaan weeraro kaga yimaada dhanka mujaahidiinta.
Darbadii dhowaan ku dhacday murtazaqada saliibiyiinta Ruushka ee Faagnar iyo ciidanka Riddada Maali ayaa la rumeysan yahay inay soo dadajisay firxadka murtadiinta iyo saliibiyiinta ee saldhigga Duma.
Mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ee taabacsan urur waynaha Al-qaacida ee halganka kaga jira Maghribul islaam ayaa duruus millatari siinaya gumeystaha cusub ee Ruushka markii uu jabay gumeystihii Faransiiska, cagmarintii kolonyada murtazaqada Ruushka iyo kuwa uu soo diray millatariga Maali ayaa lagu dilay inka badan 50 saliibiyiin ah oo ka tirsanaa Fagnar halka inka badan 10 kalena ay ahaayeen murtadiinta Maali, maxaabiis tobaneeyo ah ayaa sidoo kale lagu qabtay weerarkaasi dhabbagalka ah, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu burburiyay dhamaan wixii gaadiid ah ee ay wateen kolinyada.
Weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ah ayaa sidoo kael maalmihii u dambeeyay xoogeystay ee ka dhacaya waddamada Maali iyo kuwa kale, tobaneeyo askari ayaa lagu dilay weeraradaasi, halka la gubay gaadiid dagaal iyo kuwa ciidanka lagu daabulo iyo booyadaha.
Halkan ka degso Video-ga la wareegidda mujaahidiinta ee xerada millatari.
Ama hoos ka daawo sawirrada la wareegitaanka mujaahidiinta ee saldhigga.