Ka dib markii guddiga maktabka tarbiyada iyo tacliinta wilaayada Jubbooyinka uu kasoo dhamaaday socdaalkii guuleystay ee uu ku tagay degmada Salagle markan guddigu waxay qorsheeyeen socdaal kale oo qayb ka ah xamlada shicaarka looga dhigay macan Naxwal cilmi wal Macrifah, waxaana safarkaasi loo doortay degmada Xagar ee wilaayada Jubbooyinka,, si loo dardar geliyo arimaha tacliinta ee ka jira magaalada.
Si la mid ah degmooyinka kale ee aan horay usoo xusnay waxay degmada Xagar ka mid tahay degmooyinka wilaayada ee ay ka furanyihiin xarumaha waxbarasho ee hoos taga maktabka tarbiyada iyo tacliinta ee WI Jubboyinka waxaana degmadan si gaara uga furan madarassada Imaamu Shaafici oo ay wax ku bartaan inka badan 180 arday oo ka mid ah jiilka soo koraya.
Is xog waraysi iyo kulamo wax ku ool ah oo ku aaddan horumarinta waxbarashada oo dhexmaray maamulka degmada iyo guddiga kadib, wuxuu markiiba billaabay in uu guda galo qorsheyaasha horumarineed ee u degsanaa oo ay ka mid yihiin dowraad dhiiri gelin ah oo loo qabtay ardayda madarassada Imaamu Shaafici iyo macalimiinta wax ka dhiga iyo tartanno heer sare ah oo loo qabtay ardayda madarasadda iyadoo loo kala saarayay wiilal iyo gabdho.
Hadaba halkan hoose waxan idiinku soo gudbin doonaa warbixintii idaacadda Andalus ay ka diyaarisay waxbarashada degmada Xagar oo maqal ah iyo sawirada ardayda oo tartan ku jira.
Dhagyso Qaybta 5aad Xamlada Tacliinta Madaarista W. Jubbooyinka (Degmada Xagar )
Hoos Ka Daawo Sawirrada.