Intii la socotay Idaacadda Andalus waxa maalmo ka hor degmada Jilib lagu soo gabo gabeeyay Mukhayam cilmiyeed ama kulan cilmiyeed ballaaran oo loo qaybtay arday ka kala socotay inta badan wilaayaadka Islaamiga ah.
Mukhayamkan oo noociisu uu ku cusbaa wilaayaadka ayaa si cilmiyaysan oo xirfadaysan waxa ardayda loo barayay maadooyin lasoo xulay, sidoo kale dhexdaada ayaa ayay kala faa’idaysanayeen.
Sida aad sawirada ku arki doontaan mukhayamka waxa ka mid ahaa safarro dalxiis ah oo ay ku tageen meelo qurux badan oo indhaha soo jiidanaya.
Mukhayamka oo socday todobaad ayaa waxa toos usoo tabiyay idaacadda Andalus oo goob joog ahayd isla markaana ku dhex jirtay ardayda su’aalana waydiinaysay.
Halkan Hoose kala dag warbixinadii Idaacadda iyo xafladdii gabogabada.
Daawo Sawirada.