Iyadoo habeen hore weerar qarax ah oo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe islamarkaana weerarkaasi lagu dilay taliyihii booliska dowlada Ridada federaalka ee gobalka Shabeelada dhexe waxaa arintaasi ka hadlay wilaayada Islaamiga ee Shabeelada dhexe.
Idaacada diiniga Al-furqaan ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay waaliga Wilaayada Islaamiga Shabeelada dhexe Sheekh Yuusuf Kabo ku dukade oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkaasi.
Sheekh Yuusuf ayaa xusay in weerarka qaraxa ah ee ka dhacay gudaha degmada Jowhar lagu dilay saraakiil uu ku jira taliyihii maleeshiyaatka booliska dowlada federaalka ee gobalka Shabeelada dhex saraakiil kalane lagu dhaawacay.
Waaliga ayaa intaasi ku daray in Khaliif Carfaaye oo ahaa taliyihii booliska Shabeelada dhexe inuu ahaa sarkaal si aad ah u dhibay shacabka ku dhaqan degmada Jowhar iyo goobaha kale ee Kufaarta duulaanka kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe balse imika dhibkiisa laga hor leexiyay oo ay ka nasanayaan dadka shacabka.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Sh/dhexe.
Calamada.com