Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro aad u xooggan oo ka dhacay deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka magaalada caasimadda ee Muqdisho.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa weeraray illaa sedax saldhig oo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira.
Dagaal culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray deegaanka waxaana la maqlayay daryanka rasaasta iyo hugunka madaafiic ay labada dhinac isdhaafsanayeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka XSHM ayaa lagu sheegay in weerarada oo ahaa kuwa isku xiran lagu dilay sedax askari islamarkaana lagu gubay 6 gaari Tikniko ah.
“Mujaahidiinta ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday sedax saldhig oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira duleedka Muqdisho, gaadiidka lagu gubay howlgalka waa 6 baabuur halka 2 kale lasoo qaniimeystay”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Wararka ayaa intaas ku daraya in askarta dagaalka ku dhaawacmay ay gaarayaan Afar askari, dagaalyahannada weerarka qaaday ayaa saldhigyada kasoo rartay hub iyo saanado melleteri.