Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD waxay sheegayaan in xoogag katirsan Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla tuulo hoos timaada gobolkaas.
Abaaro xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu ekeeyay saldhigga oo ku yaalla tuulada Waranqara oo hoos tagta degmada Lafey ee gobolka Mandheera, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarku ahaa mid xooggan oo muddo daqiiqado ah socday.
Dagaalka oo ku billowday hub culus iyo mid fudud ayaa sababay khasaare kala duwan inkastoo ciidanka Kenya aaney muddo badan dagaalamin taa badalkeedana ay goobta isaga carareen iyadoona dagaalyahannada Al Shabaab ay la wareegeen goobtii lagu dagaallamay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerarka ku dileen illaa sedax askari Kenyaan ah oo meydadkooda lagu arkay isla deegaanka Waranqara, wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga weerarka geystay ay gacanta ku dhigeen saanado hub ah.
War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay gobolka Mandheera ay ku dhaawacmeen illaa 7 askari oo kamid ah ciidamada Booliska dowladda Kenya, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa xaqiijisay in xalay uu dhacay weerar ballaaran.