Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa saaka aroortii hore dagaal culus ka dib la wareegay degmada Raaga Ceelle oo ka tirsan wilaayada shabeellaha dhexe.
Dagaal culus oo Mujaahidiinta ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ee Raaga Ceelle ka dib waxay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada iyagoona kala eryay maleeshiyaadkii murtadiinta ee ku sugnaa gudaha degmada.
Mujaahidiintu markay gudaha u galeen degmada Raaga Ceelle waxay goob fagaare ah kula hadleen dadkii deegaanka, iyagoona dadka ku booriyay inay ka fogaadaan dabannida ay qoolayaan ciidamada shisheeye iyo dabadhilifyadooda murtadiinta.
Maleeshiyaadkii murtadiinta ee dagaalka looga saaray degmada Raaga Ceelle waxay u firxadeen dhanka saldhigyada kuffaarta Burundi ee duleedka Raaga Ceelle waxaana maleeshiyaadka iyo kuwa isugu yeeray Amisom soo wajahday cabsi xoog leh oo ku aadan kororka weerarada Mujaahidiinta.
Degmada Raaga ceelle waxay qiyaas ahaan 90Km u jirtaa magaalada Muqdisho, waxaana degmadan sannado badan duullaan shareeco la dirirnimo ah ku joogay ciidamada shisheeye ee duullaanka kusoo qaaday dalka gaar ahaan kuwa Burundi.
Calamada.com