Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weeraro kala duwan oo ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoos taga gobolka Mandheera oo kamid ah dhulka Soomaalida.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mandheera ayaa waxay sheegayaan in 3 weerar oo dhabba gallo ah ay ka dhaceen wadada xiriirisa tuulooyinka Jabbi iyo Bambo oo hoos taga gobolkaas.
Kamiinkii ugu horreeyay ayaa waxaa ku dhacay gaari Bas ah oo siday dad rakaab ah kaas oo ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanada Al-Shabaab sida aan xogta ku helnay.
Hal qof mooyee dhammaan dadkii kale ee saarnaa gaariga waxay noqdeen Muslimiin waxaana la dilay qofkii Kiristanka ahaa kadib markii imtixaan laga qaaday sida ay sheegeen saraakiil katirsan Al Shabaab.
Sidoo kale xoogaga jihaadiga ee SHM waxay isla wadadan ku qabteen gaari weyn oo Loori ah islamarkaana qalab u siday shirkadda isgaarsiinta dowladda Kenya ee la yiraahdo Safaricom.
Sida wararka aan ku heleyno waxaa l gubay gaariga iyadoo la dilay labo Injineer oo la socotay si ay qalabkan usoo rakibaan,intaas waxaa dheer oo isla wadan ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday gaari Koyal ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.
Gaariga ayaa burburay ciidankii saarnaana waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si firfircooni leh uga hawl gala gudaha Kenya iyo dhulka Soomaalida ee ay heysato.
Kenya ayaa xuduud beenaadka kasoo tallaabsatay sannadkii 2011ki tan iyo xilligaasna waxaa dalkeeda kusii fidaya dagaalada.