Iyadoo saaka kolanyo isugu jirta Nasaarada Mareykanka iyo kuwa Kenya oo kasoo baxay xad beenaadka gobalka Jubbada hoose uu la wadaaga dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose ayaa goordhaw waxaa gacan ku heynta magaaladaasi la wareegay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Kolanyadii ciidamada Gaalada ee saaka la wareegay degmadaasi ayaa saacada ka hor gabi ahaan isaga cararay degmada Badhaadhe kadib markii ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan iney weeraro culus kala kulmaan dhanka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo ku sugnaay duleedka degmadaasi.
Dadka ku dhaqan degmada Badhaadhe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gabi ahaan kolanyadii shisheeyaha ay isaga carareen degmada iyo in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Raayada Towxiidka ayeey ciidmada Mujaahidiinta ka taageen degmada sida barta Controol e laga soo gala degmada’dhismaha xarunta maamulka iyo saldhiga degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kolanyada isugu jirta American iyo Kenyaati ee isaga cararay degmada Badhaadhe ay la kulmeen weeraro dhabba gal ah’waxeyna warar hor dhac ah sheegayaan in shisheeyaha kamiinadaasi khasaara lagu gaarsiiyay.
Calamada.com