Ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Baay, waxay aroornimadii hore ee saaka weerar culus oo madaafiic ah ku qaadeen Airport-ka magaalada Baydhaba, halkaas oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamada saliibiyiinta xabashida Itoobiya.
Howlgalka ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waana mid ka mid ah howlgallada ciidan ee ay mujaahidiintu kula xisaabtamayaan saliibiyiinta iyo murtadiinta duullaanka ku ah ku dhaqanka shareecada islaamka.
Waxay sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar abaabulan ku qaadeen xerada ciidan ee maleeshiyaadka murradiinta ee iidow-dhigaal ee kutaal magaalada Baydhaba, hal askari oo ka tirsan Riddada ayaa ku dhaawacmay weerarkan.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar abaabulan oo dagaal toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Yugaandha ay kaga suganyihiinAirport-ka degmada Baraawe.