Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gudaha dalka Kenya waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen howlgal gaar ah oo ka dhan ah dadka gaalada ee xoogga lagu dajiyay dhulalka muslimiinta ee Laamu.
Howlgalkan waxay Mujaahidiintu si gaar ah uga fuliyeen deegaan ay nasaaradu degto oo hoostaga degmada Wito ee gobalka Laamuu, waxaana inta la xaqiijiyay howlgalkaasi lagu dilay 2 qof oo gaalo Kenyaati ah, halka sidoo kale ay Mujaahidiintu gubeen 2 Mooto iyo 5 guri oo ay saliibiyiintu lahaayeen.
Dhanka kale tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo Mujaahidiinta iyo saliibiyiinta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka Riddada ku dhexmaray degmada Afgooye ee Sh/hoose, waxaana inta la ogyahay dagaalkaasi lagu dilay 3 askari oo murtadiin ah iyo dhaawaca saddex kale uu ku jira taliyaha maleeshiyaatka murtdiinta ee saldhigga Mukayga Afgooye kaasi oo lagu magacaabo Tahliil Gaay Gaay, dhanka ciidamada Kuffaarta Afrikaantana dagaalka waxaa kaga dhaawacay 1 askari.
Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiintu xalay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Singaleer ee duleedka magaalada Kismaayo, lama oga haddii uu jiro khasaare dagaalkaasi lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta.