Isagoo khudbad ka jeedinayay xafladdii Machadu Shareeca ee degmada Ceelbuur ayuu Sheekh Cali Dheere Afhayeenka xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kusoo hadal qaaday hadalkii gafka ahaa ee dhawaan kasoo yeeray guddoomiyaha maamulka ‘Puntland’ ugu magacaaban gobolka Mudug.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa amrtay in ladilo Cabdi Ladiif Sanyare kaasi oo si aan gambasha laheyn u sheegay in uu dhisado Masaajidda iyo Aadaanka salaadaha.
Sheekh Cali dheere ayaa si faah faahsan uga hadlay heerka ay gaarsiisan tahay gaalnimada Sanyare oo dhowaan magaalada Gaalkacyo ka iclaamiyay dagaalkiisa ka dhanka ah Masaajidda islamarkana ku goodiyay in uu xirayo masaajidada ay muslimiintu ku cibaadaystaan.
Afhayeenka Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa bidhaamiyay in Sanyare uui ziyaadsaday kufriga iyo galnimada uu dhex mushaaxayo isagona si adag uga hadlay wixii uu ku khadaaqay guddoomiyaha gobolka Mudug ugu magacaaban maamulka ‘Puntland’.