Maktabka Qadaha ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in berri la dhammeystirayo bisha Shacbaan.
War rasmi ah oo kasoo baxay maktabka qadaha ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, ayaa lagu sheegay in berri oo Isniin ah la dhameystirayo bisha Shacbaan 1445, kowda bisha Ramadaana ay tahay maalinta Talaadada ah.
“Kadib baaritaan dheer oo uu maktabka Qadaha Shabaabul Mujaahidiin ka sameeyay wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaa la waayay bisha Ramadaan, sidaas darteed, berri oo Isniin ah waxaa la dhamaystirayaa bisha Shacbaan 1445, kowda bisha Ramadaan waxay noqoneysaa maalinta Talaadada ah” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maktabka qadaha Xarakada Al-Shabaab.