Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somaliya ayaa sheegaya in habeenkii xalay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen mid ka mid ah deegaanada hoostaga magaaladaasi.
Deegaanka sida gaarka ah ciidamada Muslimiinta u weerareen ayaa ah deegaanka Carabiya oo hoostaga degmada Mandheera’waxeyna Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Ciidamada Booliska dowlada Nasaarada Kenya ayaa gabi ahaan isaga cararay deegaanka kadib markii ciidamada Mujaahidiinta dhinac kasoo galeen deegaankaasi.
Shabaabul Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay gaadiid iyo hub oo ciidamada Nasaarada Kenya kaga carareen saldhiga deegaankaasi’waxey sidoo kale Mujaahidiinta gubeen xarunta Shirkada Safaari.com ee deegaankaasi taasi oo ah isgaarsiin ay leedahay dowlada Kenya.
Calamada.com