Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaala culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.
Dagaaladan waxey duleedka Kismaayo ku dhaxmareen ciidamada Nasaarada Kenya’Itoobiya’Mareykanka’maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe oo isku dhinac ah iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha shisheeyaha lagu gaarsiiyay dagaaladaasi’waxaa gaalada iyo Murtadiinta dagaalada iyo qaraxyada looga gubay gaari nooca Hamarka ah oo ay la socdeen saraakiil iyo askar American ah kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.
Sidoo kale askar isugu jirta Kenyaati’Itoobiyaan iyo maleeshiyaatka Axmed Madoobe ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalada iyo qaraxa ka dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Galinkii dambe ee maanta ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buulo-gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo’iyadoona kolanyadii ka koobneed Americanka’Kenyaatiga iyo Itoobiyaanka ee shalay duulaanka ku qabsaday deegaanka ayaa gabi ahaan galinkii dambe ee maanta isaga cararay deegaanka kuwaasi oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in caawa Raayada Towxiidka ay ka babaneyso deegaanka Buulo-gaduud islamarkaana deegaanka ay si toos ah u maamulayaan Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com