Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saaka oo Axad ah weerar abaabulan oo toos ah ku qaadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin deegaanka Birta dheer ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Saraakiisha ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay Al-andalus u xaqiijiyeen in fariisinka ciidan ee weerarka la kulmay uu difaac u ahaa xerada weyn ee murtadiinta ay ku leeyihiin deegaankaas.
Ciidamada mujaahidiinta waxaa Allah fadligiis u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta fariisinka Riddada, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo murtadiinta gaaray.