Ciidamada guutada qaraxyada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari cabdi bile ah oo ay wateen murtadiinta.
Howlgalkan barakaysan waxaa Allaah fadligiis lagu dilay laba sarkaal oo murtadiin ah oo kala ah 1-Muuse Moos oo ahaa taliyaha Ururka deggan deegaanka Arbacow iyo 2-Kuuriyaan oo ahaa taliyaha caafimaadka Ururka Arbacow, waxay sidoo kale mujaahidiintu dhaawaceen 3 askari oo murtadiin ah, gaariga la qarxiyay ee Cabdibilaha ah ayaa isagana gubtay.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xero ciidan oo saliibiyiinta xabashida Itoobiya ka degganyihiin degmada Xudur, waxay sidoo kale mujaahidiintu weerareen xerada murtadiinta ee degmada Ceelbarde.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiinta waddada xiriirisa degmooyinka Wallanweyn iyo Afgooye ku qabteen gaari Dandiyeeshe ah oo agab ciidan geeyay saldhigga Ballidoogle, kaasi oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.