Rag hubeysan waxey Waqooyga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland,iyadoona faahfaahin laga helayo dilkaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka Puntland qeybta gobolka Mudug.
Sarkaalkan ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dileen Waqooyga Gaalkacyo ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan Xisaabiyihii dowladda Hoose dhanka maamuliyadda Maamulka Dabadhilifka Puntland.
Saraakiisha Maamulka Puntland ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa dhankooda xaqiijiyay in sarkaalka ladilay uu dhaawac culus soo gaaray balse markii lageeyay isbitaalka Mudug uu u dhintay dhaawacii soo gaaray, rasaasta ayaa Axmed Deeq Cali lagala eegtay qeybaha sare ee jirkiisa taas oo sababtay in uu dhinto.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mudooyinkii dambe sii kordhiyay weerarada ay ku dilayaan saraakiisha iyo maleeshiyaatka maamulka Puntland oo ka mid ah maamulada gaalada raacyada ah ee dowlada Xabashida Itoobiya ka dhisatay gudaha dalka Somalia.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Dilka Sarkaalka.
Calamada.com