Rag hubeysan ayaa markale mid kamida saraakiisha dowladda Federaalka ku dilay gudaha magaalada Muqdisho waqti dilalka qorshaysan ay kusii xoogeysanayaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ayaa sheegaya in rag hubeysan ay Sarkaal katirsan Nabad sugidda DF-ka ku dileen halka loo yaqaan Baar Ha idhaafin.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga weerarka geystay ay qeybta sare ee jirka rasaasta kala heleen sarkaalka iyagoona markii dambe si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda islaamiga Andalus, dilka ayaan qeyb ka ah silsilado dilal qorshaysan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda ah.