Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar culus oo xoogag jihaadi ah ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Lamu ee dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya Lamu ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah ay ku dhinteen weerar culus oo shalay ka dhacay deegaanka Majengo.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka ahaayeen “Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu ku dilay 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Dhinaca kale taliska booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in weerar khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay gobolka Lamu warbaahina maxalliga Kenya waxay sheegaysaa in labeegsaday goob ay mashaariic ka fulinayeen shaqaale Shiinays ah, weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu khasaaraha badnaa ee bishan gudaheeda ka dhaca dalka Kenya.