Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa tilmaamaya in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Tarako ee dhaca duleedka degmada Baardheere.
Idaacada Islaamiga Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka ka dib markii ciidamada Kenya ay isaga baxeen halkaas.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey in ciidamada Kenya ay galinkii dambe ee maanta isaga baxeen deegaanka, ayna burburiyeen xeradii ay halkaas ka joogeen.
Maleeshiyaatkii Soomaalida ee la joogay Nasaarada Kenyaatiga ah ayaa sidoo kale isaga cararay deegaanka, waxayna horay u raaceen Kolonyada saliibiyiinta Kenya ee halkaas isaga baxay.
Maalma ka hor ayey ahayd markii ciidamada Kenya ay isaga baxeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, Waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ka socda dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay kaga baxayaan gobolka.
Calamada.com