Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gudaha dalka Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaaafay weerar xooggan ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaal deegaan hoos taga magaalada Wajeer dhulka NFD ee Kenya gumeysato.
Mujaahidiinta ayaa weerarka si gaar ah ugu qaaday saldhig maleeshiyaad Soomaali ah oo daacad u ah kuffaarta Kenya ay kaga sugnaayeen deegaan lagu magacaabo Gumure oo hoos taga magaalada Wajeer, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Mujaahidiinta iyo cadowga alle.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa sheegaya in maleeshiyaadka wax yar uun ka dib markii uu dagaalka billowday ay isaga firxadeen saldhigga uu dagaalku ka socday waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa la wareegay deegaanka iyagoo goob fagaare ah ugu muxaadareeyay dadkii deegaanka waxayna nolosha ku qabteen guddoomiyihii deegaanka Gumure ugu magacownaa dowladda saliibiyadda Kenya.
Ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa maalmihii u dambeeyay sare u qaaday howlgalladooda ka dhanka ah ciidamada kuffaarta Kenya iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah waxaana uu weerarkan kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay Mujaahidiintu weerar fariid ah ka fuliyeen saldhig kuyaal isla gobolka Soomaalida Ee NFD.
Calamada.com