Saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku leeyihiin gobollo katirsan dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay lakulmay weeraro aad uculus.
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha degmada Waajid.
Dad ku sugan gobolka Bakool ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, sidoo kale Al Shabaab ayaa weeraray saldhigyada ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Jalalaqsi.
Weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye ayaa kusii kordhaya gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaana weeraradaas geysanaya jihaadiyiinta Al Shabaab.