Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen degmada Afgooye oo ka mid ah goobaha shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay saldhiga Buundo-yareey oo ay fariisin iyo isbaaro ku leeyihiin maleeshiyaatka dowlada Ridada,waxaa dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada iyo qaar ka mid ah deegaanada hoosyimaada degmada Afgooye.
Dadka degmada waxey warbaahinta u sheegeen in dagaalka uu ahaa mid culus oo muddo socday ugu dambeyntii maleeshiyaatka dowlada Ridada Farmaajo ayaa looga itaal roonaaday dagaalka Afgooye.
Si rasmi ah wali looma xaqiijin tirada askarta dowlada Federaalka looga dilay dagaalka xalay ka dhacay degmada Afgooye oo qiyaastii 30-KM u jirta magaalada Muqdisho.
Calamada.com