Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay dagaal culus ku qaaday mid ka mida fariisimaha maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha dhexe.
Mujaahidiintu waxay weerar aad u xooggan ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka murtadiinta ay ka samaysteen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana halkaasi si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Sida aan xogta ku helayno waxay Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Balcad oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka dowladda Ridada, ka dib dagaal si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta oo degmadaasi ku dhex maray Mujaahidinta iyo maleeshiyaadka dowladda Ridada Federaalka.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in maleeshiyaadkii weerarka lagu qaaday ee ku sugnaa degmada Balcad iyagoo aan dhag la qabta lahayn ay u firxadeen dhanka wadada laamiga ah ee isku xidha Balacd iyo Muqdisho, halkaas na ay Mujaahidiintu kusii baacsanayaan.
Xarumaha maamulkii ashahaada la dirirka ee ka jiray Balcad, waddooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada waxa saaka lagu arkayay ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin, waxaana ay Mujaahidiintu Jeelka magaalada kasii daayeen tobaneeyo muslimiin ah oo lagu dhibaatayn jiray gudaha xabsida.
Weerarkii saaka lagu qaaday fariisinka maleeshiyaadka Ridada waxa lasoo sheegaya in uu ka dhashay khasaare kala duwan uu isugu jiro dhimasho iyo dhaawac waxaana ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen hub iyo saanad culus oo fariismaha ay kaga carareen maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Waan Soo Gudbin Doonnaa Faahfaahinta Insha’allaah.
calamada.com
Asc
Iqwaani setihiin