Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi ay ka dhaceen qaraxyo xiriir ah.
Qaraxyadan oo ah ilaa iyo Saddex qarax waxey sigaar ah kaga dhaceen agagaarka deegaanka Buulo gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.
Qaraxyadan ayaa lala beegsaday maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Axmed Madoobe,iyadoona qaraxyadaan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar fara badan oo ka tirsan maamulkaasi.
Inta la xaqiijiyay qaraxyadan waxaa lagu dilay Afar askari waxaana ku dhaawacmay Kow iyo Toban askari oo ay badankoodu dhaawacyadooda culusyihiin,gabi ahaan askarta dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa ah maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe.
Calamada.com