Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo xooggan ayaa ka dhashay dab ka kacay deegaan ka tirsan gobolka Sool ee dhaca waqooyi bari dalka Soomaaliya.
Dabkan ayaa lasoo wariyay in uu si gaara kaga kacay deegaanka Balli-hadhac oo ah deegaan 70km dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Inta la xaqiijiyay waxaa dabkaasi ku dhintay illaa shan xubnood, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen toddobo kale, dabka ayaana qabsaday goobo ganacsi, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dabkaasi uu si wayn u saameeyay ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa deegaankaasi.