Madaxii hore ee kooxda Riddada soomaaliya, murtad Ahariif sheekh Axmed ayaa weerar afka ah ku qaaday hoggaanka kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Xasan Gurguurte.
Shariif murtad oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Xassan Gurguurte uu mas’uul ka yahay dagaal beeleedyada soo noqnoqday ee soomaliya ka dhacaya islamarkaana walaac balllaaran ay ka muujinayaan hubkii dhowaan u gacan galay mid ka mida beelaha gobolka Galguduud.
Wuxuu sheegay in maleeshiyaadka kooxda Riddada ay ku hor kufeen ciidamada mujaahidiinta ee u taagan difaaca shareecada, kooxda Xassana ay adagtahay in ay la wareegto ammaanka dalka marka ay baxaan ciidamada saliibiyiinta ATMIS.
Shariif Sheekh Axmed, ayaa qiray in kooxda Ridada ah ee uu majaraha u hayo Xasan Gurguurte ay dhax maquuranayso azmo siyaasadeed iyo mid amni, islamarkaana ay awoodi waysay xakameynta hubka, taas beddelkeedna ay isku bedeshay mid ka ganacsata daroogada iyo hubka.
Madaxii hore ee dowladda Riddada ah, ayaa saadaaliyay in Xassan Gurguurte uu waqtigu ku idlaan doono isagoo fara maran, dowladaha shisheeye ee maalgeliya afrikaantana aysan ka aqbali doonin inay calooshood uhaqeystayaal usii maalgeliyaan.