Maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee wada shaqeynta wanaagsan laleh dowladda Itoobiya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay hareeraynta ay Xarakada Al Shabaab kusoo rogtay magaalooyin katirsan Gobollada Bay iyo Bakool oo gacanta cadawga kujira.
Shariif Xassan Sheekh Aadan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo,Xudur iyo Diinsoor aan dhanka Barriga laga geli Karin waxa kaliya ee magaalooyinkaas lagu tagi karo ay tahay diyaarado.
Wuxuu carabaabay in Madaxda maamulka Baydhabo ku sugan aysan awoodin in gaadiid ay ku galaan magaalada sababa la xiriira Al Shabaab oo gacanta ku haaya waddooyinka magaalada soo gala.
Shariif Xasan ayaa isweydiiyay sababta iyagoo kumanaan maleeshiyaad ah haysta islamarkaana ay kaabayaan ciidamo Itoobiyaan ah ay u awoodi waayeen in waddooyinka ay furtaan.
“Aniga waxaan aaminsanahay in haddii xoogga laysugu geeyo in jidadkaani xirnaan Karin laakin in Al Shabaab afarta koono isugu goosho isagoo tirayar ah, inagoo ciidamo badan ah oo caalamka iyo AMISOM nala joogaan aan Jidadka ku socan wayno oo aan diyaaradaha aaminno dhibaataan u arkaa, marka dowladda soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa in dadaalka ay dadaal ku darto†ayuu yiri Shariif Xassan.
Hoggaamiyaha maamulka Koonfur galbeed ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka in ay kari waysay furidda waddooyinka.
Warkan calaancalka u muuqda ee kasoo yeeray Shariif Xassan ayaa imaanaya xilli Al Shabaab ay ku guuleysatay siyaasadda go’doominta magaalooyinka gacanta Ciidanka Itoobiya kujira arrinkaas oo kala daadiyay maamulladii dabadhilifyada ahaa ugu dambeyntiina ciidanka Xabashida ku qasabtay in ay isaga baxaan dhowr magaalo sida Ceelbuur,Halgan,Tayeegloow iyo kuwa kale.
Kamaaludiin Mustafa oo ah safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa horraantii bishan April sheegay in go’doominta magaalooyinka uu ciidamadooda ku qasbay in ay isaga baxaan dhowr magaalo oo ay horay uqabsadeen.
Halkan ka dhageyso Shariif Sakiin oo quus ka muujinaya magaalooyinka go’doonsan MP3
Xigasho Somalimemo.net
Calamada.com