Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ballan qaaday in saacadaha soo socda mu’assasada Al-kataa’ib ay baahin doonto kalimad muhiim ah oo uu jeedinayo Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdiraxmaan oo ka mid ah hoggaanka mujaahidiinta, taasi oo lagu wado in la baahiyo 5:00 galabnimo ee barri Insha’allaah.
Bayaanka kasoo baxay xafiiska warfaafinta waxaa lagu yiri” – Iyadoo la tixraacayo duullaanka shareeca la dirirka ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu dhawaan ku qaadeen Wilaayaadka Islaamiga ah ee Soomaaliya, Mu’asasada Al-Kataa’ib waxay berri oo Jimca ah, Sebtember 15, 2023, saacaddu marka ay tahay 17:00 galabnimo, faafin doontaa kalimad kasoo baxday hoggaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo uu jeedin doono Sheekh Mahad Warsame Abu Cabdiraxmaan, loogana hadli doono arimo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka jirta iyo aragtida Mujaahidiinta ee ku aaddan isbedellada siyaasadeed iyo kuwa milateri ee dalka ka jira.