Sheekh Jaamac Aadan oo ka mid ahaa Culimada sida weyn looga yaqaanay Wilaayaadka Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday gudaha gobolka Sh/Hoose iyadooan saaka aas loo sameeyay.
ALLAHA u naxariistee, Sheekh Jaamac Aadan ayaa la ildarnaa xanuunno kala duwan muddooyinki u danbeeyay, balse wuxuu ahaa qof aan xanuunkiisa la sariir jiifan, sida ay sheegayaan dadkii yaqaanay.
Shalay salaaddi Maqrib ka dib ayaa la sheegay in xanuun uu ku soo boodday ka dibna waxaa uu ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee deegaanka Kuunyo Barrow.
Dadweyne fara badan ayaa saaka Salaadda Janaazada kula tukaday Masjidka Jaamaca ee Kuunyo Barrow iyadoona ka dib lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee deegaanka.
Sheekh Jaamac ayaa sidoo kale aad looga yaqaanay deegaanada maamulka Somaliland, waxaana uu in muddo ah daaci ka ahaa magaalada Burco oo uu ka soo jeedday, balse ugu danbeyn uu ka soo hijrooday markii ay xireen maamulka Hargeysa oo u heystay dhaqaaqiisa Dacwada.
Wadaadkan ayaan ku caan ahaa Muxaadaraad uu ku qabto masaajidda iyo taageeridda dadka tabaaleysan, sidoo kale wuxuu duruus ka bixin jiray qaar ka mid ah warbaahinta Islaamiga ah.
Waxaan halkaan Tacziyo kaga gudbineynaa Dhammaan ehelka iyo qaraabada Sheekha, waxaana ALLAH u weydiineynaa in isagana uu Jannada ka waraabiyo, ayagana ka sabar siiyo.
QOF WALBA WUU DHIMINAA LKN GEERIDA WEEY KALA XANUUN BADANTAHEY,GEERIDA SHIIKHA SI XUN BEEY II TABATEY ILAAHEEY A U NAXARIISTO SHIIKHA ISAGAGOO CISI IYO SHARAF LAH BUU DHINTEY WALINA WALAAHIISA MUSLIMIINTA LA JOOGO