Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade, waaliga wilaayada islaamiga ee Shabeellaha Dhexe ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan oo ku saabsan wilaayada Shabeellaha Dhexe.
Waaligu wuxuu waraysiga ku sheegay in horumaro ballaran ay ka jiraan deegaannada ay maamusho Wilaayada, islamarkaana ay jiraan ceelal laga qoday deegaanno horleh, sidoo kalena dadku ay maalgashadaan dhulkooda.
Wuxuu kaloo intaa ku daray iney jirto horumaro dhanka dacwada ah, wilaayaduna ay dadka muslimiinta ah ku dhex faafineyso Diinta Islaamka.
Dhanka kale wuxuu Waaligu soo hadal qaaday ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoona tilmaamay in hadda ay billaabeen in ciidamada Dowladda federaalka ay ku amraan iney u keenan saadka, maadaama uu yiri dhiigooda aanu waxba uga dhigneyn.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Waaliga Shabeellaha Dhexe- Qeybta Koowaad