Dowladda Shiinaha ayaa weerar afka ah ku qaadday Maraykanka, waxayna ku tilmaantay inay tahay “boqortooyo been ah” kaddib markii xukuumadda uu fadhigeedu yahay Biijiin lagu weeraray warbixin kasoo baxday wazaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Wazaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay dabayaaqada toddobaadkii tagay ku sheegtay in Shiinuhu balaayiin Dollar oo lacag ah ku maalgeliyo maamulka warbaahinta caalamka, sida tifaftirka, xog aruurin, iyo iibsashada qarsoon ee xarumaha warbaahinta shisheeye, waa sida ay hadalka u dhigtaye, taasi oo Washington ay ku tilmaantay inay tahay mid ku ciyaaraysa warbaahinta, sidoo kalena ay isaga caabinayso culaysyada haysta.
Dhankeeda wazaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in warbixintaasi ay tahay mid ka fog xaqiiqooyinka, isla markaana ay lafteedu tahay warbixin ama xog been abuur ah.