Safaaradda Shiinaha ee magaalada Nairobi ayaa qoraal ay soo saartay digniin ugu jeedisay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha waddanka Kenya, kuwaas oo ay kula talisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, maadaama bay tiri ammaanka waddanka Kenya uu faraha ka baxay.
La talintan amni ee ay soo saartay safaaradda xukuumadda Biijiin ee Nairobo ayaa ku boorinaysa dadka Shiinayska ah inay aad uga taxaddaraan u safridda Kenya, sababo ku aaddan bay tiri xaaladda ammaan ee waddanka oo ah mid aan la isku hallayn karin.
“Waqtiyadan dambe, xaaladaha adduunka ayaa sii xumaanaya, arrimaha amniga gudaha ee Kenya waxay noqdeen kuwa aan la isku hallayn karin,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah qoraalka.
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri” “Waaxda Qunsuliyada wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Shiinaha ee Kenya waxay xasuusinayaan muwaadiniinta Shiinaha ee ku sugan Kenya inay fiiro gaar ah u yeeshaan xaaladda amniga, xoojiyaanna taxaddarkooda, iskuna dayaan inay ka fogaadaan oo ay ka tagaan meelaha ay ku kulmaan oo ay ku badan yihiin dalxiisayaasha ajnabiga ah.”
Safaaradda shiinaha ee Nairobi ayaa si gaar ah u xustay i muwaadiniinteeda ka feejignaadaan u safridda gobollada NFD sida Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo gobolka xeebta ah ee Laamu, iyo sidoo kale deegaannada ku teedsan xuduud beenaadka Kenya.