Safaarada Shiinuhu ku leeyahay magaalada Muqdisho, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay warka ay sheegtay inuu kasoo yeeray xubin ka tirsan Koongareeska Maraykanka, kaasi oo uu ku taageeraayay xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Taiwan.
Warqadda oo uu ku saxiixnaa afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, ayaa lagu dhaliilay warka kasoo baxay xildhibaanka ka tirsan Koongareeska dowladda Maraykanka, waxay sidoo kale si adag uga hadleen weerarka lagu qaaday iskaashiga Shiinaha kala dhaxeeya Afrika.
Bayaanka kasoo baxay safaaradda Xukuumadda Biijiin ee Muqdisho, waxa uu intaas ku daray in qorshe kasta oo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu kala dhex galo xiriirka kala dhaxeeya dowladaha Afrika uu noqon doono mid aan dhaawici doonin iskaashiga xooggan ee labada dhinac ka dhaxeeya.