Ugu yaraan laba qof oo ameerikaan ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil aad u xooggan oo ka dhacay agagaarka magaalada Knoxville ee ka tirsan gobolka Tennessee ee waddanka Maraykanka.
Warbaahinta maxalliga ah ee Maraykanka ayaa sheegtay in hilkan oo ahaa mid gaari uu si gaar ah uga dhacay meel u dhow waddada wayn ee Chapman, gaariga ayaana shilkan galay xilli uu isku dayay inuu ka gudbo Isgoyska Hendron Chapel.
Ciidanka Maraykanku waxay sheegeen inay baadi ugu jiraan dareewalkii waday gaariga, kaasi oo baxsaday kaddib markii uu dhacay shilkaasi, booliska ayaana ninkan ku eedaynaya inuu ka mid yahay dadka tahriibiya daroogada.
Maraykanka waxaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale uga dhacay shilal badan, kuwaas oo ay ku le’deen dad badan oo Ameerikaan ah, kan ayaana qayb ka ah shilalka gaadiidka ee ka dhaca waddankaasi.