Wararka ka imaanya dalka Zimbabwi ayaa sheegaya in ugu yaraan 47 ruux ay rakaab ah ay dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo marayey deegaano dhaca koonfur bari wadankaasi.
Warbaahinada gudaha ayaa sheegay in bas weyn oo ku sii jeeday magaalada Caasimada ah ee Harare, kana yimid magaalada Mutare iyo mid kale oo ka hor yimid ay isku dhaceen, taasi ay sababtay in burbur xoogan uu soo gaaro labada Bas, dadkii saarnaana ay badankood halkaasi ku dhintaan.
Police-ka ayaa sheegay in shilka uu dhacay wadada u dhexeysa Harare iyo Mutare ee dhirirkeeda lagu qiyaaso 166km.
Shilalka noocan oo kale ah ayaa dhowrjeer ku soo noqnonqday wadanka Zimbabwe, waxaana xusid mudan in sidan oo kale bishii July ee sanadkii 2015-kii ay ugu yaraan 8 ruux dhinteen, ayna dhaawacmeen 50 kalena, markii uu gadoomay gaari xawaare ah uu qalimbay.