Inta la hubiyay ugu yaraan afar qof oo carruur ah ayaa ku dhintay shil xooggan oo ka dhacay dalka Burundi, kaddib markii uu caruurtaasi kusoo dumay darbi kaniisad oo ku taalla waddankaasi.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Burundi ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay dhacdadan, waxayna sheegeen in caruurtaasi aysan naf dhul la dhicin.
15 qof oo kale ayaa laga soo saaray burburka hoostiisa, kuwaas oo ku dhaawacmay shilkan ka dhacay kaniisadda lagu magacaabo Kiyange Pentecaostal.
Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay daadad kusoo rogmadeen dhismaha kaniisadda, dhacdadan ayaana kusoo beegmayso xilli roobab mahiigaan ay ka da’ayaan dalal badan oo dhaca Africa.