Qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Magaaladan Muqdisho waxaa ka dhacay Shil gaari oo sababay Khasaara Nafeet oo Naxdin leh.
Shilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Agagaarka Dhismaha Warshadii hore Caanaha ee degmada Hodan, Waxa uu Shilkan yimid kadib markii isku dhaceen Moota Bajaaj iyo Gaari Hoomey ah.
Gaariga Hoomeyda oo si xowli ah ku socday ayaa dul maray Moota Bajaaj ay la socdeen Hooyo iyo Caruur ay dhashay, Iyadoo gabi ahaan ay burburtay Moota Bajaajta.
Inta la xaqiijiyay shilkan Gaari waxaa ku dhintay Wadihii Mootada iyo Hooyada, Waxaa sidoo kale dhaawacmay Caruurtii Hooyada Dhimatay ay dhashay kuwaasi oo loola cararay Goobaha Caafimaadka.
Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan Shilalka gaari ee ugu khasaaraha badan, Waxaana taasi sabab looga dhigayaa Maleeshiyaatka Dowladda Ridada iyo Ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo inta badan Dhagaxaan ku jiray Wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.