Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee dhaca waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegaya in shil maanta ka dhacay duleedka degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan maleeshiyaadka maamulka ashahaaada la dirirka ah ee isku magacaabay Somaliland.
Shilka ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya degmada Ceel-afweyn iyo deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay 1 askari halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.
Lama soo sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambaysay shilkan, shilkan maanta ka dhacay duleedka degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ayaana kusoo beegmaya xilli ay sare usii kacayaan shilalka gadiid ee ka dhaca gobollada waqooyi.
Dhowaan ayay ahayd markii shil naxdin leh oo ka dhacay magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya, uu ku dhintay hal qof oo rayid ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqaysatada gaadiidka mootooyinka loo yaqaan, shilkaas ayaana ka dambeeyay ka dib markii mootada ay si kadis ah ugu dhacay gaari nohada ah.
Sidoo kale shil dhowaan ka dhacay duleedka degmada Burtiinle ee gobolka Nugaal, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 2 qof halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 2 kale.