Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ku waramaya in shil khasaaro gaystay uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dagmada Buurtinle.
Shilka ayaa si gaar ah kaga dhacay deegan lagu magacaabo Farjanno ee hoostaga dagmadaasi Buurtinle waxaana inta laxaqiijiyay ku dhintay labo ruux oo rakaab ahaa, iyadoo sidoo kale ay shilkaasi ku dhaawacmeen labo qof oo kale.
Dhacdadan ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen Laba gaari oo ah nooca loo yaqaano maarkeedka iyo gaari kale oo Candha-meydle ah, sida ka muuqatay sawiro lagu baahiyay mareegaha internetka.
waxaa mudooyinkii danbe deegaannada uu ka arimiyo maamulka Riddada Puntland kusoo badanayay shilalka gawaarida, waxaana badanaa loo aaneeyaa gaadiidka xamuulka qaada oo si xad dhaaf ah rarka loo saaro, bur burka wadooyinka iyo wadayaasha gaadiidka oo si xowli ah ku socda.