Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil aad u xooggan oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad ku dhow 10 xubnood.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa xaqiijiyay in shilka baabuur uu si gaar ah kaga dhacay meel u dhow xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, shilka ayaana yimid kaddib markii gaari nooca kuwa xamuulka ah uu ku dhacay gaari kale oo noociisu Surf yahay, gaariga xamuulka ayaa kaddib dul maray mooto bajaaj ay dad la socdeen oo jidka laamiga ah marayay.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi baabuur ku dhintay ugu yaraan 3 xubnood oo u badnaa dadkii saarnaa mootada uu jiiray gaariga xamuulka ah, sida ay sheegeen goobjoogeyaashu, waxaa sidoo kale shilkaas ku dhaawacmay tiro intaas kasii badan.
Gaarigaan xamuulka ah ayaa shilkan khasaaraha badan dhaliyay gaystay kaddib markii uu farriinka goostay, sida ay soo wariyeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan maanta laga soo calaamadiyay laamiga xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Dadka reer Muqdisho ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid argagax leh, sawirro iyo muuqaallo goobta laga soo qaaday ayaa muujinayay boqollaal qof oo shacab ah oo gurmad u fidinaya dadka ku waxyeelloobay shilkaasi gaari iyo sidoo kale gaadiidka isku dhacay.