Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay shil gaari uu ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalkaasi.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari Noha ah oo ku sii jeeday dhanka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe waxa uu shilka si gaar ah kaga dhacay deegaanka Qalimow ee gobalkaasi.
Gaariga rogmaday waxaa la socotay Shan ruux saddex ka mid ah dadkaasi weey dhinteen labada soo hartay iyagoo dhaawacya ah ayaa goobta laga qaaday sida ay xaqiijiyeen dadka deegaankaasi.
Dhanka kale shil gaar ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale oo ka wada tirsan gobalka Baay.
Shilkan waxaa galay gaari uu lasocday gudoomiyaha maamulka gaala raaca Shariif Sakiin ugu magacaaban degmada Bardaale ninka lagu magacaabo Weedow Cali Xasan kaasi oo la xaqiijiyay inuu shilkaasi gaari ku dhaawacmay.
Sidoo kale shilkan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah’gudoomiyaha shilka galay ayaa kasoo baxay degmada Bardaale isagoona kusii jeeday dhanka degmada Baydhabo.
Gaariga gudoomiyaha dhaawacmay uu watay ayaa xowli ku socday isagoo ka cabsi qabay in qarax miino ama kamiin wadadaasi ugu dhigaan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com