Dalka Iiraan waxaa lagu dilay sheekh imaam ka ah masjid ku yaala wadankaas, kaas oo ay ku cibaadeystaan muslimiinta Ahlu sunnaha ah.
Imaamka la dilay waxaa lagu magacaabaa Mowlawi Cabdil-Qaffaar Jamaal, waxaana uu ahaa imaam caan ah oo salaadda ka tujiya masjidka tuullada Ridaa Cabaad oo 120km kaga beegan wuqooyi bari magaalada caasimadda u ah Dhahraan.
Afar xabadood ayaa lagu dhuftay imaamka, waxaana xilliga la tooganayay uu kasoo baxay masjidka, isagoo kusii jeeday gurigiisa.
Dowladda Iiraan waxay sheegtay iney baareyso cida ka dambeysa dilkan, balse dadka muslimiinta waxay aaminsanyihiin in dilalka ka dhanka ah culimada iyo dhalinyarada muslimiinta ay ka dambeyso dowladda shiicada ah ee Iiraan.
Imaamka la toogtay ee Mowlawi Cabdil-qaffaar wuxuu kasoo jeedaa qowmiyada Balosh oo kamid ah qowmiyadaha muslimiinta ah ee dega wadanka Iiraan.