Wararka ka imaanaya Afrikada dhexe ayaa sheegaya in tobanaan qof oo muslimiin ah lagu dilay weeraro ka dhacay magaalo kaabiga ku haysa xadka uu wadankaasi la wadaago Koongada Dimuquraadiga ah.
Mas’uuliyiin katirsan waxa loogu yeero Q.Midoobe iyo shaqaale gargaar ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof oo muslimiin ah lagu dilay weeraro kooxo masiixiyiin ah ka geysteen degmada Banjaaso.
“xaaladdu faraha ayay ka baxday dilal ayaa si aan kala sooc laheyn ay ufulinayaan maleeshiyaad hubeysan ayaa ka socda degmada Banjaaso ee xadka dhacda balse waxaan ku dadaalaynaa sidii aan dib ugu qabsan laheyn magaalada†sidaas waxaa yiri sarkaal katirsan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Afrikada dhexe.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo Nasaaro ah ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen goobo ganacsi iyo guryo ay deganaayeen dad muslimiin ah, wararka qaar ayaa sheegaya in carruur nolosha lagu gubay sida uu sheegay mid kamida shaqaalaha hay’adda bisha cas.
Degmada Banjaaso ee lagu dhibaataynayo muslimiinta waxaa sanadadii lasoo dhaafay ku sugnaa ciidamo Faransiis iyo Yugaandheys ah kuwaasi oo lagu helay in ay kufsi wadareed kula kaceen haween iyo carruur.
Ugu yaraan 13-kun oo ciidamo caalami ah ayaa ku sugan gudaha wadanka Afrikada dhexe waxaana ciidamadaasi majaraha uheysa dowladda Kirishtanka Faransiiska, ciidanka waxa loogu yeero Q.Midoobe ee ku sugan wadankaas ayaa lagu eedeeyaa in ay gacan siiyaan kooxaha maleeshiyaadka Masiixiyiinta ah ee lagu magacaabo anti balaaka.