Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, oo ah wasiirka maalgashiga iyo dekadaha ee maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, ayaa waraysi uu bixiyay ganacsatada iyo maalgashadayaasha Itoobiya ugu yeeray inay usoo deg degaan oo ay ka faa’ideystaan khayraadka ka buuxa badda iyo berriga Somalia, gaar ahaan deegaannada uu ka arrimiyo.
Wasiirkan oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Ethiopian Herald, ayaa xusay in maamulkiisa uu aad u daneynayo maalgashiga dadka Itoobiyaanka, si gaar ah dhinacyada kalluumaysiga, beeraha iyo saadka kale.
“Waxaan ku dhiiragelinayaa maalgashadayaasha waddanka Itoobiya, inay ka faa’iidaystaan mowqican istaraatiijiga ah ee Soomaaliland, kaasi oo u sahlaya inay si fudud ku gaaraan biyaha badda, oo khayraadkeeda sidii la rabay aan looga faa’iidaysan,” waxaa sidaas wargayskan kasoo baxa dakka Itoobiya ku yiri, Cabdirisaaq Ibraahim oo ah wasiirka maalgashiga iyo dekadaha maamulka Muuse Biixi.
Wuxuu soo bandhigay in deegaannada maamulkiisa ay dowladda Itoobiya uga banaanyihiin fursado shaqo iyo kuwa ganacsi oo fara badan, oo uu ka mid yahay kalluumeysiga.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in hadda maalgashadayaal badan oo kasoo jeeda Itoobiya ay ganacsiyo ku leeyihiin deegaanada uu ka arrimiyo, balse ay jeclaan lahaayeen in shirkadaha waawayn ay soo gaaraan deegaannadooda.
“Hadda, maalgashadayaal badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku howlan ganacsiyo yaryar iyo kuwo dhexdhexaad ah oo kala duwan, balse waxaan rajeyneynaa in shirkado waaweyn ay yimaadaan oo maalgashadaan mustaqbalka.”. ayuu yiri wasiirkaasi.
Dhaqan_galka heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu maamulkiisa Itoobiya ku siiyay qaybo ka mid ah khayraadka umadda Soomaaliyeed, ayuu sheegay in Itoobiya uu faa’idooyin dhaqaale oo badan u horseedi doono.
Marka madaxda maamulkan ashahaada la dirirka ah ay u gacma haatinayaan maalgashadayaasha Itoobiya, waxaa dhanka kale deegaannada maamulkaasi shaqo la’aan ku wajahaya boqollaal kun oo dhalinyaro ah, sida uu 8-da bishii May ee dhamaatay ka dhawaajiyay wasiir ka tirsan maamulkaasi.