Maanta markale waxaa galbeedka gobolka Siti ee dhulka Soomaali-galbeed ka dhacay dagaallo qaraar oo u dhaxeeya maleeshiyaadka Soomaalida iyo kuwa Cafarta.
Soomaalidu waxay maanta sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalladii ay ka galeen galbeedka gobolka Siti, dagaalladan maanta dib u qarxay ayaa la xiriira iska hor’imaadyo culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay galbeedka gobolakasi.
Hiirtii hore ee saaka ayaa dagaalladii ugu horreeyay laga soo calaamadiyay deegaannada ku dhow Cundhufo oo maalmihii u dambeeyay ay kulaalayeen Soomaalida, dhowr deegaan ayay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyada Cafarta.
Deegaannada gacanta xoola dhaqatada Soomaalida kusoo laabtay waxaa ka mid ah Dabamara, Dhuun-yar iyo Erer, halkaas oo ay maleeshiyaadka u dagaallamaya Soomaalida ay sheegeen inay cafartu haysteen labadii sano ee lasoo dhaafay.
Waxay markan sheegeen inay u jihaysan doonaan degmooyinka saddexda ah ee Cundhufo Cadayti iyo Garba Ciise, oo ah magaalooyin Soomaaliyeed oo dhaca galbeedka gobolka Siti, balse dowladda Itoobiya sanado ka hor ku biirisay ismaamulka Cafarta oo dadka cafarta ah halkaas xoog lagu soo dejiyay.
Muuqaallo ay Soomaalidu ku faafiyeen baraha bulshada ayaa muujinayay maxaabiis ay gacanta ku dhigeen, maleeshiyada Cafarta waxaa la wariyay inay taageero ka helayaan millatariga Itoobiya, kuwaas oo si rasmi ah ugu soo biiray dirirta.