June 26, 1960kii ayay Soomaalida Waqooyi ka hoos baxday gumaysigii tooska ahaa ee Ingiriiska. Farxad iyo damaashaad ayaa arrintaas lagu qaabilay, waxaana tusaale cad kuugu filan geeraarka caanka ah ee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timocadde. Waa geeraar aad ka dhex fahmi karto dareenkii Soomaalida Waqooyi ee maalintaas. Dhawr maalmood ka dib, waxa uu gumaysigii tooska ahaa ka guuray Xamar, taasina waxa ay horseedday midnimadii Xamar iyo Hargeysa iyo dhismihii Jamhuuriyaddii Soomaalida. Tanina waxa ay ahayd farxad labaad!
Guhaad Cabdi Gahayr waxa uu ka mid ahaa abwaannadii habeenkii June 26, 1960kii joogay magaalada Hargeysa. Waxa uu tiriyay gabay aad uga duwan suugaantii habeennadaas la curinaayay. Waa gabay habeenkaas aan la fahmin, balse wakhti ka dib, qof waliba uu dib ugu qushuucay uguna qiirooday. Waa gabay nuxurkiisu ahaa in aan xorriyad la helin, balse gaalkii caddaa uu guuray, adeege madawna uu meesha kaga tagay. Good iyo abees ayuu labada nin ee isbeddelay ku tilmaamay. Waxa uu ka calaacalay in gaalkii guuray uu sii beertay dhal gumaysi oo danihiisii iyo aragtiyihiisii halkoodii ka sii ambaqaada. Taas ayaa dhacday! Raggii xukunka qabtay, waxa ay noqdeen adeegeyaal wakiil u ah gumaysigii korsaday. Raggaas gumaysigu dhalay ee hoggaanka noqday ayaa ugu dambayntii fashiliyay himiladii ummaddeed ee qaaliga ahayd.
Adeegeyaashii gumaysigu ka tagay ayaa wali liddi ku ah jiritaanka ummaddan. Iyaga ayaa wali u kiraysan gumaysigii dhalay. Iyaga ayaa wali hiil u ah gaalka iyo shisheeyaha, cadawna u ah gobannimada iyo Soomaalinimada.
Maanta, 64 sannadood ka dib, wali waxa ay Soomaalidu dagaal kula jirtaa adeegeyaashii gumaysigu ka tagay oo ciidan, dhaqaale, hub iyo taageero nooc kaste ah ka helaaya gaaladii korsatay. Adeegeyaashu, damiir, garasho iyo sarriigasho midna malaha, waxaanay mar walba raalli ku yihiin in ay qabbaan u ahaadaan gumaysiga. Tan ayaa mar kale waajib ka dhigaysa dumintooda iyo la dagaallankooda.